Kaniiniga loo cuno xannuun baabi’inta ee Paracetamol oo halis ku ah Beerka Qofka Isticmaala.

0
293

Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.

Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.

Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.

Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.

Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.

Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.

Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.

Maxaa caddeeymo ah oo laga hayaa?

Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka?

Waaxda dawooyinka iyo cunnada ee Mareykanka FDA ayaa barteeda internet-ka ee rasmiga ah ku sheegtay in paracetamol loo isticmaalo karo yareynta qandhada iyo xanuunka marka aysan aad u darneyn.

Balse caddeymaha la hayo ayaa kala duwan, gaar ahaan marka ay timaaddo qiimeynta xaalado kala duwan oo jirka saameeya.

Machadka Cochrane Institute, oo qiimeeya xogta daaweyn kala duwan, ayaa dhowr maqaal ka qoray waxtarka paracetamol.

Waxaa la sheegya in daawadan aysan aad wax uga tarin dhabar-xanuunka, si la mid ah placebo, oo isna ah dawo xanuun-baabi’iye ah.

Natiijada laga helay kaniinigan ayaa lagu ogaaday inuusan wax weyn ka tarin daaweynta kansarka.

Jilbo xanuunka oo kale waxaa maqaal bartaasi lagu qoray lagu sheegay inuusan sidoo kale saameyn weyn ku lahayn daweynteeda.

Paracetamol-ka, ayaa sidoo kale la ogaaday inuusan gacan weyn ka geysan yareynta madax-xanuunka nooca migraines iyo xanuunka kaddib qalliinka ilmaha lagu dhalo.

lagu sameeyo hooyada and postpartum and post-surgical pain .

Waxay dhaqaatiirtu ku taliyaan mar walba in la raaco talooyinka dhaqtarka, oo aan la iska oso iibsan kaniinigan iyo dawooyin kale oo badan.

Dhibaatada uu beerka gaarsiin karo!

Kaniinigan ma sababaa saameyn daran?

Dhibaatadu waa xaddiga laga isticmaalayo: hay’adaha caafimaadka ayaa ku talinaya in xaddi ah 4 garaam (ama 4,000 milligrams) ay maalintii ka isticmaalaan dadka qaangaarka ah. Carruurta ay da’doodu u dhaxeyso 2 ilaa 11, ayaa xaddiga paracetamol-ku wuxuu ku xiran yahay miisaankooda (55 ilaa 75 mg maalintii ayaa loo xisaabinayaa calaa kiilo miisaanka ilmaha).

Kuwa ka yar 2 sano, waxaa mar walba wanaagsan in dhaqtar aad kala tashato kahor inta aadan dawo siinin.

Maaddaama caadiyan uu 500 milligrams ka kooban yahay kaniiniga amaba 1 garaam oo maaddada ku jirta ah, tan waxay ka dhigan tahay in qofka qaangaarka ah uusan afar ilaa siddeed ka badsna karin 24 saac gudahood.

Balse xaaladdu way ka adag tahay sida ay u muuqato, sababoo ah dawooyin badan ayaa waxaa ku jira paracetamol iyo sidoo kale waxyaabo kale. Marka, qofku haddii uu hayo duray ama qabow, tusaale ahaan, wuxuu qaadanayaa dawooyin kala duwan si looga daweeyo calaamadaha (xanuun, qandho, sanka oo xiran, iyo waxyaabo kale.) waxaana laga yaabaa inuu xaddiga ka badsado.

Dhibaatada ugu weyn waxay ku dhaceysaa beerka, oo qaabilsan xakameynta dawada. Ilaa 5% dawadan waxay isu beddeshaa quinoneimine, oo ah maaddo sun u ah jirka.

Xaddi yar (oo ka hooseeya 4 garaam oo paracetamol ah), beerku wuu awoodaa inuu caadi ka dhigo khatarta. Si kastaba, marka ay xaddi badan tahay quinoneimine, xubintan ayaa joojisa shaqadii laga filayay.

Tan waxay sababtaa inuu gebi ahaan beerku shaqada gabo, taasoo keenta in qofka isbitaal la dhigo, waxayna sababi kartaa geeri.

ISHA: BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here