Dowladda Soomaaliya Oo Sweden U Dirtay Baaq Ku Aaddan Falkii Lagu Gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka

0
182

Dowladda Soomaaliya Oo Sweden U Dirtay Baaq Ku Aaddan Falkii Lagu Gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden u ogolaadeen nin xag jir ah inuu ku gubo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Dhacdadaasi oo dhacday Sabtidii (January 21), taasoo ka dhigan mid xad gudub ku ah xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan demagogic ah oo kor u qaada nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here