6 Qodob Oo Wanaajiya Caafimaadka iyo Awoodda Garasho Ee Maskaxda

0
485

6 Qodob Oo Wanaajiya Caafimaadka iyo Awoodda Garasho Ee Maskaxda

Waxaa waajib ah in qofku uu iska xilsaaro ilaalinta iyo wanaajinta caafimaadka maskaxdiisa, si uu u dhiirrigeliyo in unugyo cusubi ay kobcaan, ugana hortago hoos u dhaca maskaxda ku yimaadda mar kasta oo qofka da’diisu ay sii weynaato.

Waxa aynu si gaar ah u eegaynaa dhinaca nafaqada iyo cuntada, maadaama oo nooca iyo xaddiga cuntada aynu maalin kasta cunnaa ay saamayn buuxda ku leedahay caafimaadka dhimirka. Cilmibaadhiso waaweyn ayaana xaqiijiyey in nafaqadu ay saamayn ku leedahay guud ahaan xanuunnada gabowga la socda iyo si gaar ah cudurka Alzheimer’s ka.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa lix qodob oo la xidhiidha cuntadeenna, kuwaas oo haddii aynu raacno, wanaajinaya caafimaadka iyo awoodda garasho ee maskaxda, imika iyo mustaqbalkaba.

1. NAFAQADA
Is xamaynta aadka u adag ee mararka qaarood ay sameeyaan dadka miisaanka dhimayaa, waxa ay keeni kartaa khatar caafimaad. Sidaas awgeed, mid ka mid ah hababka ugu fiican ee la isu xakamayn karo iyada oo caafimaadka maskaxda la dhowrayaa waa, habka loo yaqaanno, ‘SHARP’.

– Sonkorta oo la iska daayo

– Nafaqada oo laga ilaaliyo hoos u dhaca (Xitaa fuuqbaxa aadka u yari, waxa uu saamayn taban ku yeelan karaa shaqada maskaxda iyo awooddeeda garasho.

– Cunista cuntooyinka laga helo Asiidh dufankeed ka ‘OMEGA-3’ (Waxaa laga heli karaa kalluunka, noocyada lawska, iwm)

– Cuntada hal mar la cuno oo la yareeyo, (Qado, casho ama quraac oo in yar la cuno)

– Iyo in la yeesho qorshe la xidhiidha qaabka cunto ee caafimaad ahaan dhakhaatiirtu ku taliyaan.

Shantaas qodob ee aynu soo xusnay oo afka Ingiriisiga loo yaqaanno ‘SHARP’, waa hab caan ah oo ka mid ah hababka miisaanka loo dhimo iyada oo aan caafimaadka waxba la yeelayn.

SHARP waxaa ku taliyey Dr. Sanjay Gupta oo ah dhakhtar iyo bare jaamacadeed oo ku takhasusay Qalniinka maskaxda, isla markaana ah weriye iyo qoraa caafimaad.

Waxa aanay ka soo gaabsan yihiin ereyada Ingiriisiga ah ee hoos ku xusan oo ah nuxurka qormada aynu sare ku faahfaahinnay;

– S – Slash sugar

– H – Hydrate

– A – Add more omega-3

– R – Reduce portion

– P – Plan A head

2. JIMICSIGA
Jimicsiga iyo guud ahaan xarakaadka jidhku sameeyaa waa waxa keliya ee illaa hadda uu saynisku qirsan yahay in uu si aad ah u wanaajiyo caafimaadka maskaxda iyo shaqooyinkeeda. Daraasaadka qaarna waxa ay gaadhsiiyaan in jimicsigu uu xitaa ka hortag u noqon karo lumidda xasuusta.

3. NASASHADA
Daalka jidhka joogtgada ku noqdaa waxa uu daciifiyaa awoodda waxbarasho ee maskaxda, waxa aanu ka hor istaagaa in ay la qabsato ama la jaanqaaddo isbedellada soo waajahaya. Waxa ay xeeldheereyaashu ku taliyaan in qofku uu maalin kasta helo nasasho ku filan, si ay maskaxdu u hesho deggenaanshiyo u suurtageliya fikir iyo fiirsi hor leh.

4. HURDADA
Hurdadu waxa ay jidhka siisaa fursad uu dib isugu cusboonaysiiyo, in qofku uu hurdo ku filan waayaana waxa ay khatar ku tahay guud ahaan caafimaadkiisa. Gaar ahaan caafimaadka dhimirka, Wadnaha, iyo habdhiska difaaca jidhka.

5. SAHAMIN
In naftaada aad carisaa waxa ay faa’ido badan u leedahay maskaxda. cilmibaadhiso ayaa lagu ogaaday in qofka hawlgab noqda isaga oo 65 jir ah, in ay boqolkiiba 15 hoos u dhacdo cabsida laga qabo in uu ku dhaco xanuunka xusuusta dila. Gaar ahaan marka la barbardhigo qofka da’ intaas ka yar hawlgab ku noqday.

Arrintani waxa ay caddaynaysaa in shaqada iyo caafimaadka maskaxda aadamuhu ay sii kordhaan, mar kasta oo uu qofku shaqada iyo hawlmaalmeedka nolosha ku sii jiro. Dhinaca kalana waxaa caafimaadka maskaxda wanaajiya waxaa ka mid ah in qofku uu ka shaqaysiiyo, isla markaana ku dhiirrado Barashada waxyaabaha ku cusub iyo isku tijaabinta waxa ay u aragto in uu ku adagyahay.

6. XIDHIIDHKA
Weligaa ha dhayalsan saaxiibka, iyo kulamo wadareedka aad asxaabta la yeelanayso. In saaxiib aad la sheekaysato, la safarto, dhibta ku haysata kala sheekaysato, kulamo la yeelato asxaab kala duwan iyo guud ahaan kulamada bulsho waxa ay kaalin weyn ka qaataan wanaajinta caafimaadka maskaxda iyo koboceeda.

TALOOYIN GUUD

Soonka ama cuntada oo aad mararka qaarkood aad u yaraysaa waxa ay ka mid tahay hababka maskaxda kobciya, gaar ahaan qaybta fahamka iyo waxbarashada.

In laga dheeraado cunista cuntooyinka ka samaysan daqiiqda noocyadeeda iyo sonkortu, waxa ay u fiican tahay caafimaadka maskaxda. Sidaas awgeed waxa ay xeeldheerayaasha caafimaadku sheegayaan in si aad ah loo yareeyo isticmaalkeeda. Waxaa ka mid ah buskudyada, Jiibista warshadaysan, waxyaabaha cajiinka / qooshka ka samaysan sida Kackaca, keegagga, biidsada, iyo macmacaanka.

Iska jir cuntooyinka loogu talagalay miisaan dhimista, sida sharaabbada ‘Lite’ ama sonkor malaha ‘Sugar Free’ ku qorantahay, waayo waxaa inta badan lagu macaaneeyaa sonkor ama macaan samays ah, taas oo u daran caafimaadka maskaxda.

W/D: Kamaal Marjaan

Tixraac: CNN, Dr. Sanjay Gupta, Daily Mail, Aljazeera Health

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here