Bangiga Adduunka oo Pakistan siinaya $2 Bilyan oo Doollar.

0
275

Bangiga Adduunka oo Pakistan siinaya $2 Bilyan oo Doollar.

Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in uu Pakistan siinayo lacag loogu talagalay in lagu garab istaago wax ka qabashada dhibaatooyinka bani aadamnimo ee ka dhashay dhaqaale xumada dalkaas & saameynta taban ay reebeen Daadadkii ka dhashay Roob mahiigaan ah.

Pakistan ayaa Bangiga Adduunka waydiisatay lacag amaah ah si dib u dejin ugu sameyso malaayiin ruux oo ku guryo beeshay Daadadka iyada oo ay usii dheertahay cunno la’aan iyo dhibaatooyin kale oo dhanka nolosha ah oo lasoo dersay.

Dowladda ayaa diiwaangelisay in ay dhaawacmeen 13,000 oo ruux oo u badan meelaha biyaha sida xoogga ah u mareen, halka ay dhinteen 1,600 oo qof waxaana burburay Nus Milyan Guri oo dib u dhiskooda dhaqaale badan ku baxaya.

Martin Raiser oo ah Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koofurta Qaaradda Aasiya ayaa sheegay in uu tagay Pakistan si uu usoo qiimeeyo xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta si madaxda Dowladda ay isla meel dhigaan qorshaha kaalmo raadinta.

Waxaa baaba’ay dalagyadii beeraha ee rejada wanaagsan ay ka qabeen Dadkii abuuray si ugu helaan Suuq ay ka faaiidaan lacagaha ay ku iibiyaan balse waxaa riyadaas burburiyay Daadad ka dhashay Roob mahiigaan ah oo daadad watay.

“Aad baan uga xumahay Khasaaraha naf & kan maaliyadeed ee ka dhashay Fatahaadaha Roobka mahiigaanka ah ee Pakistan ka da’ay, Dowladda waan garab taaganahay waxaa naga go’an gacan qabashada qoysaska dhibaateysan” Martin Raiser.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso cid weliba oo garab istaag u muujisa si xal loogu helo dhibaatooyinka ka dhashay Daadadka Mahiigaanka ah, waxaa intaas usii dheer in dhaqaale xumada ka dhalatay Covid-19, Isbaddelka siyaasadeed & xaaladaha kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here