Puntland Oo Sheegtay In Ciidanka Somaliland Ay Duulaan Kusoo Qaadeen Boocame

0
352

Puntland Oo Sheegtay In Ciidanka Somaliland Ay Duulaan Kusoo Qaadeen Boocame

Xiisad u dhexeeysa Ciidamada Somaliland iyo Puntand ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka taagneyd degmada Boocame ee Gobolka Sool, kadib markii Puntland ay duleedka degmadaasi Boocame geeysay ciidamo farabadan.

Wasiirka Duulista Hawada Puntland Ilyaas Lugatoor Gebiley ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Somaliland oo watay 45 gaadiidka nooca dagaalka ay duulaan kusoo qaadeen Boocame, isla markaana Ciidankaas uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland iyo Saraakiil Ciidan.

Wasiir Ilyaas Lugatoor oo Qoraal soo saaray ayuu xusay in Ciidanka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee deegaanka Magaalada Boocame ay ka hortegeen Ciidanka Somaliland ee halkaas tegay, ayna suurageli weysay in soo dhaweyn loo sameeyo.

“Waxan ku sugna ilaa shaley Degmada Bocame waxaan rabaa in aan la wadaago Shacab iyo Dawlada PUtland iyo Umada Somaliyeed ba in maanta ay duulan ciidan ku Soo qaadeen Ciidanka Somaliland magalada Bocame yagoo wata 45 tigniko ah, aynu weheliyaan ninka sheegta Gudomiyaha Gobolka Sool ee Somalind iyo saraakiil ciidan iyo dadkaloo weheliya oo Ka Soo raacey Laascaanood” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka in nasiib darro ay tahay in Maamulka Somaliland xilligaan adeg oo ay jiraan abaraha iyo sicirka ay duulan soo qaadan, isagoona tilmaamay in ujeedooyinka laga leeyahay ay kala yihiin in la carqaladeeyo nabadeynita maleeshiyo beeleed dagaalamay iyo in Muuse Biixi uu ku boobo doorashada dhaceysa.

“Waxaa duulanku daarana labo ujeedo, mid in lacarqaladeeyo nabadeynita beelaha walaalaha ah ee heshiiskooda meel gebegabo ah mareysa, waxaa kaloo la rabaa in lagu mashquuliyo reer Somalind oo hada Muuse Biixi rabo inuu boobo, oo hada buuq weyni Ka taagan yahay. Bocame sacad kadib weyka tageen yagoo kabadan joogi kari waayey” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Wasiirka Duulista Hawada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here