Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Doorashada Dalka Oo Maalintii 4-Aad Galay

0
272

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Doorashada Dalka Oo Maalintii 4-Aad Galay

Shirka Wadashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo sabtida todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta galay maalintii afaraad oo xiriir ah.

Shirkaan ayaa waxaa ay Madaxda uga hadlayaan xal u helida caqabadaha ku hor gudban doorashada dalka ka dhaceysa iyo xalinta qodobo gaar ah oo Madaxda ay isku hayaan, kuwaasi oo la tilmaamay inay siweyn uga doodeen.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Arrinta Gobolada Waqooyi (Somaliland) ay kamid tahay labada qodob ee ugu adag Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo Maanta galay maalintii afaraad.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka taagan Arrinta Gobolada Waqooyi una dhexeeya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in weli Madaxda ay siweyn dood adeg uga yeelanayaan Ajendayaal kale oo Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashada hor yaalla, isla markaana u baahan in xal buuxa laga gaaro, si loo qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo Shirka Madaxda lagana soo saaro War-mutiyeed oo ay ku mideysan yihiin Madaxda ka qeyb galeysa, waxaana rajo wanaagsan laga muujiyay Shirka weli ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here