Haweeney Koonfur Afirkaan Ah Oo Dishay Ninkeeda Soomaali Ah

0
286

Haweeney Koonfur Afirkaan Ah Oo Dishay Ninkeeda Soomaali Ah

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdikariin Mahdi Saalax ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd lagu dilay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa fulisay xaaskiisa uu qabay oo u dhalatay Koonfur Afrika, waxaana falkaas uu ka dhacay xaafadda Soomaalida ee Mayfair ee Magaalada Johannesburg.

Xaaska uu qabay Cabdikariin Mahdi Saalax ayaa waxaa ay dilkiisa u adeegsatay qori uu lahaa, isla markaana waxaa ay rasaas uga dhifatay Madaxa, isagoona goobta ku geeriyooday, sida laga soo xigtay Muwaadiniin Soomaali ah oo goobta tegay.

Haweeneyda falka geysatay ayaa la tilmaamay inay wacday Booliska Koonfur Afrika, ayna u sheegtay wixii dhacay, waxaana intaas kadib gacanta ku dhigay Booliska Haweeneydaas oo xiray.

Weli si dhab ah looma oga sababta keentay in Haweeneyda ay disho Cabdikariin Mahdi Saalax oo qabay, kaasi oo ahaa Muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana Koonfur Afrika ku lahaa goobo Ganacsi.

Dhinca kale Xaafadda Soomaalida ee Bellville ee Magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa xalay burcad hubeysan ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Ibraahim Saamacadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here