Xisbiga Kulmiye oo Hargaysa kusoo bandhigay Taagerayashi ugu Badnaa Iyo Madaxwayne Biixi oo la Hadlay

0
390

Xisbiga Kulmiye oo Hargaysa kusoo bandhigay Taagerayashi ugu Badnaa Iyo Madaxwayne Biixi oo la Hadlay

Xisbiga Kulmiye ayaa Magaaladda Hargaysa kusoo bandhigay Cududa Taagero ee murashaxiinta Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Wakiilada iyo Deeganka.

Ololaha Doorashoyinka Wakiilada iyo Deeganka ayaa shalay ka bilawday Deeganada Somaliland iyada oo lagu faah furay Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid.

Ololaha Doorashada ayaa Somaliland ka socon doona Lix maalmood,iyada oo dabayaaqada Bishan lagu wado in ay qabsoonto codbixinta doorashada isku sidkan ee Golahayaasha Wakiilada iyo Deeganka.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kumanaan taageraysha Xisbiga Kulmiye ah kala qayb galay Ololaha Doorashada iyaga oo iskugusoo baxay Barxada beerta Xoriyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here