Sucuudiga oo Soo Saaray Tirada Dadka Xajka Loo Qoondeeyey Iyo Qodobo ka Hor Istaagaya Xajka Sanadkan Dadka 60 Sano ka Weyn Ama Xanuusan

0
336

Sucuudiga oo Soo Saaray Tirada Dadka Xajka Loo Qoondeeyey Iyo Qodobo ka Hor Istaagaya Xajka Sanadkan Dadka 60 Sano ka Weyn Ama Xanuusan

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo soo saartay tirada Xujeyda ee Sanadkan 2021.

War rasim ah oo ay soo saartay Wasaaradda Xajka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sanadkaan la qorsheeyay in sanadkaan 2021 ay waajibaadka Xajka gudandoonaan 60,000 oo Xaaji.

Warka Wasaaradda Xajka ayaa lagu caddeeyay shuruudaha laga rabo qofka doonaya in uu guto waajibaadka xajka sanadkaan, waxaana kamid ah shuruudahaasi.

  1. Waa in Xujeydu ay qaataan labada qaybood Kaararka talaalka ah ee ay bixiyaan hay’adaha Caafimaadka.
  2. Tallaalka uu qofku qaatay waa inuu ku jiraa liistada la ansixiyay ee ay Wasaaradda Caafimaadka ka aqoonsan tahay gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
  3. Waa in Xaajigu uusan isbitaal u gelin wax xanuun ah lixdii bilood ee u dambeysay.
  4. Xaaji kasta oo Ajimabi ah oo yimaada Boqotooyada Sacuudi Carabiya wuxuu galayaa 3 Cisho oo Karaantiil ah.
  5. Tirada guud ee Xujeyda Sanadkaan waa 60,000 Xaajir oo isugu jiridoona Xujeyda gudaha iyo kuwa Ajaanibta ah.
  6. Waa in Xaajigu da’adiisu u dhexeeyso 18-60 sano jir.
  7. Iyo in ay wanaagsantahay Xaaladda Caafimaad ee Xaajiga.

Tallaabada ay Qaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka dhalatay markii ay siyaaday walwalka caalamka oo dhan uu ka faafitaanka cudurka Karoona 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here