Maamul Goboleed Markale Mamnuucay Xirashada Indha-Shareerka

0
316

Maamul Goboleed Markale Mamnuucay Xirashada Indha-Shareerka

Taliska Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray amar ku socdka Haweenka kunool Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas oo looga joojiyay xirashada indha-shareerka (Niqaabka).

Saraakiisha Booliska Jubbaland ayaa sheegay in amarkaan haweenka looga joojiyay xirashada Niqaabka ay ku doonayaan adkeynta amniga Magaalada, isla markaana looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa sheegay in laga bilaabo 23-ka bishaan May 2021 la adkeeyay joojinta xirashada Indhashareerka si loo adkeeyo amniga guud ee shacabka.

Dhowr sanno ka hor ayay ahayd markii amar kaso baxay Jubbaland lagu mamnuucay xirashada indhashareerka, xiligaas oo gacanta lagu dhigay rag soo xirtay dharka dumarka iyo Indha-shareer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here