Dad Farabadan Oo Ka Qaxay Folkaane Ka Qarxay Dal Ku Yaalla Afrika

0
318

Dad Farabadan Oo Ka Qaxay Folkaane Ka Qarxay Dal Ku Yaalla Afrika

Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa ugu baaqay dadka deggan magaalada bari ee Goma in ay isaga guuraan ka dib markii folkaane weyni ka qarxay.

Dad badan oo furaashyo iyo maacuun kale sita ayaa la arkayey iyaga oo qaxaya oo xadka uga talaabaya dhanka bari ee Rwanda, si ay kaga baxsadaan dhibaatada masiibadan.

Nyiragongo ayaa markii ugu dambeysay oo uu qarxo sanadkii 2002 waxaa ku geeriyooday 250 qof halka 120,000 oo kale ay hoy la’aan noqdeen.

Buurta fulkaanuhu ka qarxay waxay magaalada u jirtaa 10km, markii ugu dambaysay ee halkaa fulkaane ka qarxaana waxay ahayd sannadkii 2002 oo waagaa ay ku dhinteen 250 qof 120,000 oo qofna ku guryo beeleen.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in Madaxweyne Felix Tshisekedi uu soo gaabin doono safar uu ku tagi lahaa Yurub si deg deg ahn ugu soo laabanayo Koongo maalinta Axada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here