Cudur Ka Halis Badan Karoona Oo Ka Dillaacay Dalka Hidiya

0
663

Cudur Ka Halis Badan Karoona Oo Ka Dillaacay Dalka Hidiya

Mas’uuliyiinta caafimaadka Hindiya ayaa ugu baaqay gobollada dalkaas inay ku dhawaaqaan in xanuun faafa uu ka dillaacay halkaas kaddib markii ay kordheen kiisaska xanuunka dilaaga ah ee “Black fungus”.

Caabuqan dhifka ah, oo lagu magacaabo mucormycosis, ayaa 50% sababa dhimasho, iyadoo dadka qaar lagu badbaadiyo in laga saaro il amaba lafta garka.

Balse bilihii la soo dhaafay, Hindiya waxay diwaan-gelisay kumannaan kiisas ah oo la xiriira bukaannada ka soo kabtay amaba ka soo kabanaya Covid-19.

Dhakhaatiirta ayaa ka shakisan in laga yaabo in xanuunkan uu la xiriiro dawooyinka lagula tacaalo Covid-19.
Bukaannada qaba xanuunka macaanka ayaa si gaar ah khatar ugu jira, iyadoo dhakhaatiirtu ay BBC-da u sheegeen inay u muuqato in xanuunkan uu asiibo bukaannada ka soo kabtay Covid-19 muddo 12 ilaa 15 maalmood kaddib.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka dalkaas, Lav Agarwal, ayaa Khamiistii farriin u diray 29-ka gobol ee Hindiya taas oo uu uga codsanayo inay ku dhawaaqaan in xanuunkani yahay mid faafa.

Haddii ay sidaas sameeyaan, wasaaradda waxaa u fududaaneysa inay si dhow ula socoto waxa ka dhacaya gobol walba.

Ma cadda tirada kiisaska laga soo sheegay dalkaas, oo haatan dhex mukhuuranaya mowjad labaad oo Covid-19 ah kaas oo ay sababsadeen tobnaan kun oo qof.
Toddobaadkii la soo dhaafay, wasiirka caafimaadka gobolka Maharashtra, Rajesh Tope, ayaa sheegay in ilaa 1,500 kiisas oo caabuqa ah lagu arkay gobolka, oo ah kan saameynta ugu ba’an uu ku yeeshay xanuunka Covid-19 ee dalkaas Hindiya.

Hal cisbitaal oo ku yaalla caasimadda gobolkaas ee Mumbai, ayaa BBC u sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay ay diwaan-geliyeen 24 kiisas ah, iyadoo sanadkii la soo dhaafay oo dhanna ay diwaan-geliyeen lix kiisas ah.

Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale BBC u sheegay sida loogu qasbay inay dadka ka saaraan indhaha iyo lafaha garka, si loo yareeyo faafitaanka xanuunka kahor inta uusan gaarin maskaxda, taas oo waxyeello ba’an gaarsiisay wejiga bukaannada.

Sare u kaca kiisaska waxaa sababay gabaabsiga Amphotericin B, oo ah dawo lagula tacaalo caabuqan mucormycosis, inkastoo ay soo saaraan shirkado badan oo ku yaalla Hindiya. Tan waxay sababtay in dadka iyaga oo niyad jabsan ay u weecdaan suuqa madow.
Waa maxay mucormycosis?
Mucormycosis waa caabuq aad dhif u ah. Waxaa sababa in qofku uu la fal galo fangas inta badan laga helo ciidda, dhirta, digada, iyo khudradda quruntay. “Waa wax meel walba yaalla waxaa laga helaa ciidda iyo hawada iyo xitaa sanka iyo xaakada dadka caafimaadka qaba,” ayuu yiri Dr Akshay Nair, oo ah dhakhtar qalliinka indhaha ku takhasusay oo ku sugan Mumbai.

Wuxuu saameeyaa sanqada, maskaxda iyo sambabada wuxuuna gaar ahana halis ku yahay dadka qaba macaanka iyo bukaannada kansarka amaba dadka la nool HIV/Aids.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here