DAAWO : Nuxurka Qudbad Dhinacyo Badan Oo Uu Muuse Biixi Ka Jeediyay Xuska 18 May “Dowladda Somalia Ayaa Caqabad Ku Ah In Somaliland Hesho Aqoonsi”

0
650

DAAWO : Nuxurka Qudbad Dhinacyo Badan Oo Uu Muuse Biixi Ka Jeediyay Xuska 18 May “Dowladda Somalia Ayaa Caqabad Ku Ah In Somaliland Hesho Aqoonsi”

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xukuumadiisa ay mudnaanta kowaad siin doonto sidii ay Soomaaliland aqoonsi u heli lahayd.

Muuse Biixi oo xalay ka hadlayay xaflad lagu xusayay sanad- guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Somaliland ayaa sheegay in muddada ay doonto ha ku qaadatee ay ku dadaali doona hellidda ictiraaf.

“Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Carabka ku dhuftay in xukuumadiisa  ay ka go’an tahay qabashada dorashooyiinka dabayaaqada bishan May 2021, isla markaana haatan ay socdaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee Doorashada.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Somaliland Biiix ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay caqabad ku tahay sida uu sheegay aqoonsi ay Soomaaliland hesho.

“Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ah ee aan ogleyn ee ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee watigeeda dhamaaday,” ayuu yiri Mr Biixi.

Ugu dambeyn Madaxwayne Biixi ayaa sheegay in Somaaliland ay doonayso in caalamka oo dhan nabad ay kula noolaato, isagoona ku baaqay in la laga dheeraad wax kasta oo dadka kala geyn kara.

HOOS KA DAAWO KHUBADIISA OO DHAN:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here