Al-Shabaab Oo Weerar Khasaaro Geystay Ka Fulisay Gudaha Kenya

0
438

Al-Shabaab Oo Weerar Khasaaro Geystay Ka Fulisay Gudaha Kenya

Faah faahino ayaa laga helayaa weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Kenya oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerarka ku qaadeen Ciidamada Kenya oo socdaal ku marayay degaan lagu magacaabo Baure oo ka tirsan Gobolka Lamu, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro.

Laba Askari oo kamid ah Ciidanka Kenya ayaa ku geeriyooday weerarka, halka ay jiraan tiro Askar ah oo dhaawacantay, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada oo ay uga hadlaan weerarkaas.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda ayaa waxaa ku sheegteen in weerarkii ka dhacay deegaanka Baure oo ka tirsan Gobolka Lamu ay ku dileen laba Askari oo Kenyaan ah, ayna ka furteen saanado Melleteri.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay weeraro dhabba-gal ah ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya oo ku socdaalayay waddooyin, waxaana sidoo kalena dhinacyada dhexmaray dagaalo khasaaro geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here