Midawga Afrika oo War Kasoo Saaray Go’aankii dawladda Faderaalka Soomaliya ku dalbatay in La Bedelo Ergaygii looso Magacaabay

0
276

Midawga Afrika oo War Kasoo Saaray Go’aankii dawladda Faderaalka Soomaliya ku dalbatay in La Bedelo Ergaygii looso Magacaabay

Midawga Afrika ayaa ka hadlay Go’aanka dawladda Soomaliya ay ku dalbatay in labadelo ergayga gaarka ah ee midawgu u magacaabay Soomaliya  John Mahama.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Afhayeenka Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa sheegay in dalabka dowladda Soomaaliya ee ku codsatay in la bedelo John Mahama uu Midowga kala tashan doono dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Sidoo kale Felix Tshisekedi ayaa walaac ka muujiyay qaabka uu Midowga Afrika ku doonayo inuu ku xaliyo khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada ka dhaceysa dalka Soomaaliya oo Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedya aysan weli heshiis ka gaarin.
“Qadiyadahan oo kale, Madaxtooyadda AU-da si hal dhinac ah go’aan ugama gaarto waxay la tashaneysaa guddiga iyo Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee AU-da,” ayuu yiti Zenon oo kamid ah kooxda ka talo bixisa arrimaha khuseeya Qaaradda Afrka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay John Mahama in uusan dhex dhexaad ka noqon karin Arrimaha doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana ay u baahan yihiin la bedelo, iyagoona arrintaas ka codsaday Midowga Afrika.

Dawladda Soomaliya ayaa dhanka kale sheegtay in midawga Afrika uusan kala tashan magacaabista ergayga gaarka ah ee ah madaxwaynihii Hore ee Dalka Ghana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here