Gantaalo Hor Leh Oo Ku Dhacay Gudaha Israa’iil

0
279

Gantaalo Hor Leh Oo Ku Dhacay Gudaha Israa’iil

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa hadda soo sheegaya in seddex gantaal laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo ku aaddanaa Israel.

Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayay IDF ku sheegtay in mid ka mid ah gantaalada “uu ku dhacay Suuriya”, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in labada gantaal ee kale ay ku dheceen dhul banaan, iyadoo aan la diiwaan galin wax dhaawac ah. Ma cadda cida ka dambeysay gantaalladan.

Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israel ayaa ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen

Wadahadalo xoogan oo dhex dhexaadiyayaal caalami ah ay wadaan ayaa lagu soo warramayaa in ay socdaan. Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu diley Qaza halka sideedna lagu diley Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here