Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta U Duulay Jabuuti Iyo Ujeedka Safarkiisa

0
360

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta U Duulay Jabuuti Iyo Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay safar ugu ambabaxaan dalka Jabuuti.

Ujeedka socdaalka Madaxweyne Muuse Bixii ee Jabuuti ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad la doortay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa safarkiisa wehlin doona sida uu qorshahu yahay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, iyagoona saacadaha soo socda ka dhoofi doona Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr jeer socdaalo ku tegay dalka Jabuuti, isagoona halkaas kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo kala wada hadlay Arrimo kala duwan.

Geelle ayaa markii 5-aad oo xiriir ah ku guuleystay doorashada Madaxtinimada dalka Jabuuti, waxaana Caleemo-saarkiisa ka qeyb galaya Madax badan oo lagu casuumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here