Farmaajo Oo U Ambabaxay Magaalada Kambaala Iyo Ujeedka Safarkiisa

0
291

Farmaajo Oo U Ambabaxay Magaalada Kambaala Iyo Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Uganda waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here