Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Yuhuuda Oo Ka Dhacay Dalka Turkiga

0
339

Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Yuhuuda Oo Ka Dhacay Dalka Turkiga

Kumanaan qof ayaa waxay Dibadbaxyo ballaaran ka dhigeen agagaarka Dhismaha Safaaradda Yuhuudda ku leedahay caasimadda Turkiga ee Ankara iyo Qunsuliyadda ay ku leeyihiin Istanbul.

Dibadbaxyaasha ayaa waxay wateen Calanka Falastiin iyo Boorar ku qornaa Erayo lagu taageerayey Qaddiyada Reer Falastiin. Waxay kaloo ku dhawaaqayeen hadalo ay ku cambaaraynayeen Yuhuudda iyo Maraykanka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu xalay Khadka Telefoonka kula xiriiray Madax Carbeed, oo ay ka wada hadleen Tacadiyada ay Yuhuudda ka wadaan Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Quddus.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Teyib Erdogan ayaa Madaxda uu la hadlay waxay kala yihiin:

Boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdalla Bin Xuseen, Amiirka Kuweyt,Sheekh Nawaat Al-Sxked Al-sabaax, Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim iyo Hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS, Ismaaciil Haniyah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here