Baarlamaanka Koonfurta Suudan Oo Si Lama Filaan Loo Kala Diray

0
431

Baarlamaanka Koonfurta Suudan Oo Si Lama Filaan Loo Kala Diray

Madaxweynaha Suudaanta Konfureed Salva Kiir ayaa kala diray Baarlamaanka dalkaas si loo soo magacaabo xildhibaanno ka tirsan mucaaradka.

Ururada bulshada rayidka iyo dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in go’aankan in muddo laga dhuur sugayay.

Heshiis nabadeed oo saddex sano ka hor ay dowladda iyo mucaaradka galeen ayaa dhigayay in afar meelood meel xildhibaanada lasoo magacaabayo ay kasoo jeedaan mucaaradka u hoggaamiyo Riek Machar.

Halka inta badan xildhibaanada lasoo magacaabayo ay noqon doonaan kuwa ka tirsan xisbiga haya talada ee SPLM.

Xildhibaanada waxaa soo xushaa xisbiyada kala duwan ee dalkaas.

Dagaalkii ka dhacay South Sudan sanadkii 2013-kii, waxaa ku dhintay ugu yaraan 380,000 qof halka malaayiin qofna ay ka qaxeen guryahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here