Mid Kamid Ah Magaalooyinka Somaliland Oo Amaro Cusub Laga Soo Saaray

0
525

Mid Kamid Ah Magaalooyinka Somaliland Oo Amaro Cusub Laga Soo Saaray

Guddiga Amniga Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland oo Maanta oo Axad ah kulan looga hadlaayay amniga ku yeeshay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyagoona soo saaray amaro.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta amniga Magaalada Laascaanood, waxaana kulanka laga soo saaray amaro cusub oo ku socda shacabka kunool Magaaladaas.

Guddiga Amniga Gobolka Sool ayaa sheegay in marnaba hub aan sharci aheyn lagu dhex qaadan karin gudaha Magaalada, isla markaana qofkii aan ka tirsaneyn Ciidamada ee la arko isaga oo hub wata la horgeyn doono sharciga.

Sidoo kale Guddiga ayaa amarada uu soo saaray waxaa ku jira in qof shacab ah uusan iska xiran karin tuutaha Ciidamada, lana qaban doono cidii arrintaas lagu arko, sidoo kalena la joojiyay gaadiidka waqtiga dambe soo gala Laascaanood.

Guddiga Amniga Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland ayaa laamaha amniga faray inay xoojiyaan sugida amniga Magaalada, ayna ka hortegan wax kasta oo amni darro keeni kara, maadama deegaanada Maamulkaas la filayo inay ka dhacaan doorashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here