Madaxweynaha Dalka Tanzania Oo Qaadday Talaabo Uu Diiddanaa Madaxweynihii Iyada Ka Horeyay

0
280

Madaxweynaha Dalka Tanzania Oo Qaadday Talaabo Uu Diiddanaa Madaxweynihii Iyada Ka Horeyay

Madaxweynaha Tanzaniya Saamiya Suluhu Xasan ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqatay munaasabad dadweyne iyadoo xiran wajir xir ama face Mask.

Madaxweynihii iyada ka horeeyay, John Magufuli oo geeriyooday bishii Maarso ayaa marwalba inkirsanaa cudurka wuxuuna diidi jiray inuu wajiga xirto si uu uga taxadaro fayaraska karona.

Ms Saamiya waxay xirtay wajiga iyadoo joogta gudaha iyo meel ka baxsan dalka Tanzaniya gaar ahaanna toddobaadkan mar ay booqasho laba maalmood ah ay ku tagtay dalka Kenya.

Munaasabad ka dhacday magaalada Daaru Salaam ee caasimadda dalka Tanzaniya jimcihii, waxay kula kulantay in badan 800 oo ah dad waaweyn oo ka kala yimid qaybaha dalka .

Waxay u sheegtay in dadka waaweyn ay khatar ugu jiraan cudurka loona baahanyahay in la taxadaro si looga badbaado.

Tan iyo markii ay xukunka la wareegtay, haweenaydaan 61 jirka ah kama aysan baqin inay muujiso inay diyaar u tahay inay qaaddo waddo ka duwan tii Mr Magufuli marka ay timaaddo xirashada waji xirka iyo la tacaallida cudurka.

Waxay sameysay guddi khubaro ah oo kala taliya xaaladda Covid-19 ee wadanka iyo tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah si dadka loo badbaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here