Dowladdaha Turkiga Iyo Sacuudiga Oo Wadahadal Muhiim Ah Yeelana Iyo Ariamaha Ay Ka Wada Hadlayaan

0
265

Dowladdaha Turkiga Iyo Sacuudiga Oo Wadahadal Muhiim Ah Yeelana Iyo Ariamaha Ay Ka Wada Hadlayaan

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa qorsheynayo inuu Toddobaadka soo socdo safarkiisii u horeeyey ee uu ku tago Caasimadda dalkasi ee Riyaadh tan iyo sanadkii 2017-kii.

Saraakiil la hadashay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inuu Wasiirku qorsheynayo inuu bishan 11-da Kulan la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan (MBS).

Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada Waddan ayaa xayirnaa dhowkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Dowladda Sacuudiga ka carootay Taageeradda uu Turkiga la garab taagnaayeen Dowladda Qatar, kadib, Cunaqabatayntii ay Sacuudiga iyo kuwo kale ku soo rogeen Qatar.
Sidoo kale, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa isku maandhaafay dilkii ay Sirdoonka Sacuudiga ee Saxafigii Jamaal Khashoggi, kaasi oo lagu dilay Qunsuliyadii Safaaradda Sacuudiga ku lahaayeen magaalladda Istanbul bishii October 2-dii ee sanadkii 2018-kii.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga waxay 98% joojiyeen Badeecadihii Ganacsiga ee Turkiga, isla markaana waxay Sacuudiga albaabadda u laabeen 8 Dugsiyo Turkishka ku lahaayeen Sacuudiga.

Madaxweyne Erdogan waxa uu xilligaasi sheegay in Amarka lagu dilay Jamal Khashoggi ay bixiyeen Saraakiil heer sare oo ka tirsan Dowladda Scuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here