Cabsi Laga Qabo Dayax Gacmeed Shiinuhu hawada u direy oo dhulka ku soo dhacayo dhowaan

0
284

Cabsi Laga Qabo Dayax Gacmeed Shiinuhu hawada u direy oo dhulka ku soo dhacayo dhowaan

Waxaa soo baxaya cabsi la qabo dayax gacmeed Shiinaha dhowaan ay hawada u dirtey kaasoo ka baxay awoodii maamulka,waxaana la filayaa inuu toddobaadkan ku soo dhaco dhulka.

Dayax gacmeedkan oo lagu magacaabo Long March 5B, ayaa miisaankiisu yahay 21 tan, waxaana la sheegay in uu ka baxay gacanta dadka maamulayay.

Burburka dayax gacmeedyo oo hawada sare loo direy ayaa ku soo dhacay dhulka dhowr jeer, oo ay ku jirto sanadkii hore.

Sida laga soo xigtey Jonathan McDowell, oo ku takhasusay cilmiga xiddigiska ee Astrophysics Center ee Jaamacadda Harvard, ayaa u sheegay CNN inaysan arintan ahayn mid aad halis ugu ah aadanaha.

Waxaa saxaafadu ay qoreysaa in qaar kamid ah magaalooyinka caalamka ee laga cabsi qabo in dayaxgacmeedkan ku soo dhaco ay ka mid yihiin magaalooyinka New York, Madrid iyo magaalada Wellington ee dalka New Zealand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here