Ra’iisul Wasaaraha Rooble Oo Ku Wajahan Sacuudiga Iyo Ujeedkiisa

0
295

Ra’iisul Wasaaraha Rooble Oo Ku Wajahan Sacuudiga Iyo Ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay u ambabaxaan Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay gudashada waajibaadka Cimrada, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in saacadaha soo socda uu ka duuli doono Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sida uu qorshahu yahay Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu u tegi doonaa labada Xaram ee Shariifaynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiintul-Munawara, si uu ugu soo cibaadaysto maalmaha u dambeeya ee bishan barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa uu kulamo kala duwan oo ah kuwo Diplomaasiyadeed uu la yeelan doonaa qaar kamid ah Madaxda Sacuudiga.

Safarka Rooble ayaa noqon doona kii saddexaad ee uu Dibedda ugu ambabaxayo tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu horey booqasho ugu tegay dalalka Qatar iyo Kuweyt oo ka tirsan Golaha Iskaashiga dalalka Khaliijka (The Gulf Cooperation Council) ee GCC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here