Mareykanka Iyo Suudaan Oo Wadahadal Ka Yeeshay Xalinta Khilaaf Taagaan

0
359

Mareykanka Iyo Suudaan Oo Wadahadal Ka Yeeshay Xalinta Khilaaf Taagaan

Jeneral C/Fataax Al- Burhaan oo Madax ka ah Golaha TSC ee hayinka u haya dalka Sudan ayaa waxaa uu shalay xubno ka socda Aqalka Senedka Maraykanka kula kulmay Qasriga Jamhuuriga (The Republican Palace) ee Magaaladda Khartoum.

Wafdiga uu Al-burhani la kulmay oo ka kooban 2 xubnood ayaa waxaa ay ka tirsan yihiin Guddiga Xiriirada Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senedka ee Maraykanka

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayo Senator Christopher Coons, iyadoo uu wehliyey Senator Chris Van Hollen.

Warbaahinta Dowladda Suudan waxay sheegtay in Kulankaasi diirada lagu saaray Xiriirka Mareykanka iyo Suudan, Xalinta Khilaafka Suudan iyo Ethiopia ee Muranka Biyo-xireenka GERD iyo sidii ay Hay’addaha Caalamiga taageero uga geysan lahaayeen Taakulaynta Kumanaanka Qaxootiga Ethiopianka ee ku nool Xeryaha ku yaalla gudaha dalka Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here