Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Baladweyne Iyo Faah Faahino Ka Soo Baxaya

0
285

Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Baladweyne Iyo Faah Faahino Ka Soo Baxaya

Wararka aan ka heleyno deegaano dhaca duleedka galbeed ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalo xoogan halkaas ay ka dhaceen shalay iyo waaberigii hore ee saakay.

Dagaalada ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan, waxaana uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Doon Maleyka oo hoostega Baladweyne, kaasi oo salka ku haayo arrimo la xiriira lahaanshaha dhul-beereed.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ku warrameen in dagaal gelinkii dambe ee shalay dhacay uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana mar kale dagaalka uu dib u bilowday arroornimadii hore ee saakay.

Inta la xaqiijiyay 6 ruux ayaa ku dhaaawacmay dagaaladii ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad, iyadoona la tilmaamay in deegaanka Maleyka ay dad ka barakaceen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Colaada ay ku baxeen Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad, isla markaana doonaya inay maleeshiyaadka hubeysan kala dhex-galaan.

Si kastaba dagaalo u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyo ayaa dhowr jeer sidaan oo kale uga dhacay duleedka Magaalada Baladweyne, kuwaasi oo salka ku haayay arrimo la xiriira dilal aano qabiil iyo murano ka dhashay dhulal la isku qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here