Dowlad Muwaadiniinteeda Ka Qaadeysa Xayiraadii Duulimaadyada Caalamiga

0
373

Dowlad Muwaadiniinteeda Ka Qaadeysa Xayiraadii Duulimaadyada Caalamiga

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay inay Muwaadiniintooda iska tallaalay COVID 19 u safri karaan dalalka Dibedda.

Go’aankaasi ayaa dhaqan-gal noqon doona 1-da Habeenimo ee Saqda Dhexe ee bishan May 17-da. Sharcigan cusub ayaa waxa uu dhigayaa in Muwaadiniinta Sacuudiga ee labo jeer iska tallaalay Coronavirus ugu yaraan muddo labo isbuuc ah in loo oggolaan doono inay Dibedda u safraan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay kaloo sheegtay in Muwaadiniintooda ka soo bogsaday Fayriskaasi lixdiibilood ee ugu dambaysay waxaa loo fasixi doonaan Duullimaadyada Caalamiga.

Dadka da’dooda ka yar tahay 18 jir ee Sacuudiyaanka ah ee ka soo bogsaday COVID 19 waxaa iyagana loo fasaxay inay dalalka dibedda u dhoofi karaan.

Dhoofayaasha waxaa waajib ku ah inay Tallaalkooda ka xaqiijiyaan, iyadoo isticmaalayo App-ka Dowladda ee Tawakkalna app. (using the government’s Tawakkalna app).

Sidoo kale, Dhoofayaasha Sacuudiyaanka ee dibeddaha ka soo laaanayo ayaa la sheegay in muddo hal isbuuc lagu karantiili doono Guriga, isla marka ay Sacuudiga ku soo laabtaan, iyagoo qaadan doona Baraitaanka COVID 19 Test dhamaadka isbuuca ay Sacuudiga ku soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here