Sacuudiga Oo Dib U Soo Celiyey Markab Waday Xoolo Farabadan

0
271

Sacuudiga Oo Dib U Soo Celiyey Markab Waday Xoolo Farabadan

Markabka nooca xamuulka ee lagu magacaabo MV Mabrouka oo shixnad xoolo nool geeyey Dekedda Magaaladda Jeddh ee dalka Sacuudiga ayaa dib ugu laabtay Dekedda Port Sudan ee dalka Suudan.

Warbaahinta gudaha ee dalka Suudan ayaa sheegtay inuu Markabkaasi waday 7,228 neef oo ido ah iyo 114 neef oo Geel ah.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay inay Xoolahaasi ka heleen xanuunka qandhada ee Rift Vlley Fever, kadib, markii muunad dhiig oo laga qaaday lagu baaray Shaybaarka.

Waa markabkii u horeeysay oo Shixnad Xoolo ah geeyey Sacuudiga oo dib loogu soo celiyey dalka Sudan oo ah dalkii laga soo raray Xoolahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here