Ku Dhawaad 30 Culimo Suufiyada Ah Oo Ku Dhawaacmay Biriq Ama Danab Haleeshay

0
373

Ku Dhawaad 30 Culimo Suufiyada Ah Oo Ku Dhawaacmay Biriq Ama Danab Haleeshay

Wararka aan ka helayno Tuulada Bullaale oo ka tirsan degmada Dhagax-buur ee Dowlad Deegaanka Soomaali Galbeed ayaa ku warramaya in khasaaaro xooggan uu ka dhashay kadib markii ay Biriq ku dhacday goob ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Culumo Suufiyada, waxaana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo laga helayo khasaaraah gaaray culimadaasi.

Inta la xaqiijiyay 30 ka mid ah Culimada ayaa wax yeelo soo gaartay kadib markii Biriqdu ku dhacday goobta ay ku sugnaayeen, waxaana laga dayrinayaa xaaladdooda qaar ka mid ah Culimada dhaawacu gaaray.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in dhaawacyadooda la gaarsiiyay Cusbitaal ku yaalla Magaalada Dhagaxbuur, si halkaasi loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Dhaqaatiirta ku howlan la tacaalidda dhaawacyada soo gaaray Culimada ayaa sheegay in qaar ka mid ah xaaladoodu ay tahay mid Liidata, waxaana intaas ay ku dareen ay wadaan dadaallo caafimaad oo lagula tacaalayo Culimada dhibaatadu gaartay.

Dhacdaadaas ayaa timid kadib markii Roobab xooggan oo mahiigaan ay ay saacadihii lasoo dhaafay ay ka da’ayeen Magaalooyinka waa weyn ee Dowlad degaanka Soomaali Galbeed, waxaana xusid mudan in si gaar ah ay Roobabka xooggoodu uga da’een Tuulada Bullaale oo ah halka ay waxyeladu ku gaartay Culimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here