Bollywood: Kareena Kapoor iyo Sayf Cali Khan: ‘Wuxuu nolosheyda ku soo kordhiyay nabad iyo xasillooni’

0
1816

Bollywood: Kareena Kapoor iyo Sayf Cali Khan: ‘Wuxuu nolosheyda ku soo kordhiyay nabad iyo xasillooni’

Kareena Kapoor waa atariisho caan ah oo ku guuleysatay bilado muhiim ah, waxay shirkadda aflaanta Hindiya ee Bollywood ka tirsanyd muddo 20 sano ah. Mar ay la hadashay Laanta BBC ee la hadashay Aasiya waxay sheegtay in aysan marnaba joojineyn aflaanta iyo tartannada.

“20kii sano ee aan ka mid ahaa aflaanta Bollywood, waxaan soo maray marxalado kala duwan, waxaana marba marka ka dambeyso ii kordheyay khibrad, welina ma aaminsani in aan leeyahay khibrad igu filan, sababtoo 20 sano wey yartahay, waxaana filayaa in sanadaha ii dhiman ay khibradeyda sii kordhi doonto,” ayey tiri.

Kareena Kapoor Khan ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay aflaanta ka sii mid ahaato 30-ka sano ee soo socota iyadoo dooneyso inay hesho khirad aad ugu filan.

Kareena waxay is guursadeen jilaaga caanka ah ee Sayf Cali Khan, sannadkii 2012-kii, waxaana hadda u joogo hal canug.

Waxay sheegtay in markii ay uurka yeelatay ay dadka aad ugu mashquuleen oo ay ku dheheen ‘waad cayishay; waadna fool-xumaatay’.

“Dadka waxay aaminsan yihiin in haddii qofka uu guursado uusan qaban karin shaqooyinkii uu horay u hayay, marka waxaan u sheegayaa in aysan isku xirnayn,” ayay tiri.

“Aniga atariisho ayaan ahay, waana sii ahaan doonaa weligey, lagamana yaabo in aan u joojiyo guurka dartii.”

Mar la weydiyay waxa uu seeygeeda, Sayf Cali Khan, ka badalay nolsheeda ka dib markii ay is guursadeen, waxay Kareena sheegtay in Seif uu “isu dheelitiray shaqadeeda iyo nolosheeda kale ee caadiga ah, uuna u noqday macallinka nolosha.”

“Waxaa jiro wax ka weyn oo ka muhiimsan lacagta, caannimada iyo guusha – taas oo aan filayo inay tahay qoyska, jacaylka iyo deganaanshiyaha dhanka maskaxda.” Sidaasi Kareena Kapoor Khan ayaa u sheegtay Haarun Rashiid.

Waxay sheegtay in tan iyo markii ay is guursadeen Sayf Cali Khan ay gaartay heerka ugu sarreeya ee qanacsanaanta nolosha.

Kareena Kapoor Khan, oo jishay aflaan badan waxay tilmaamtay in cashiro badan oo dhanka nolosha ah ay ka baratay seygeeda, ka dib guurkoodii 2012-kii.

“Wuxuu i baray in nolosha aysan ahayn oo keliya lacag ama tartan; wuxuu i baray inay jiraan waxyaabo ka muhiimsan lacagta iyo caannimada oo la jeclaado, waana in la yagleelo qoys jacayl ku dhisan,” ayey sheegtay Kareena oo la hadashay BBC qeybta la hadasho Aasiya.

Atariishadan caanka ah, waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee dumar ah ee shaqada si degdeg ah ugu soo noqday ka dib markii ay umushay, dhammaadkii sannadkii 2016-kii.

Markii ay uurka lahayd waxay dadka ku dhihi jireen “weligeen ma arkin gabar jilaa ah oo Hindi ah oo uur leh’. Waxay tiri: “Sababtoo ah atariisha kastoo Hindi ah, marka ay uur yeelato waxay bilowdaa sida in ay is qarineyso. Waxay aadaan London ama Amerika”.

Kareena Kapoor iyo Sayf Cali Khan oo labaduba ah jilayaal caan ka ah dalka Hindiya iyo caalamka, ayaa isguursaday 16-kii bishii October ee sanadkii 2012-kii.

“Ma ahan in qof uu bedeli karo adigoo dhan balse waa sida in uu noloshaada ku soo biirinayo nabad iyo xasillooni ah sida aad tahay. Waxa ugu wanaagsan ee aan Saif ka bartay waa in aan dareemo qofka aan ahay kuna naaloodo”.

“Ma ogeyn in ay jiraan wax dhaafsiisan lacag, guul iyo caannimo oo nolosha la xiriira. isaga ayaa i baray. Waa qoys, jeceyl xasillooni maskaxeed, in aan buug akhriyo iyo in aan fadhiisano oo ka sheekeysano wax aan shaqo la xiriirin”, ayey tiri.

Marxaladaha uu soo maray jacaylka iyo guurka Kareena Kapoor iyo Sayf Cali Khan

Sannadkii la soo dhaafay Kareena Kapoor ayaa markii ugu horreysay qiratay in markii ugu horeysay ee Sayf Cali Khan uu u soo bandhigay dalabka guurka, in aysan si 100% ah uga falcelinin. Markii labaad ee uu guurka ka dalbadayna, ay weli ka muujineysay sida aysan u hubin in ay ku kalsoonaan karto, sida ay qoreen warbaahinta Hindiya, oo uu ka mid yahay wargeyska Hindustan Times.

Waxay sheegtay in Sayf uu markii ugu horreysay uu kala hadlay in ay is guursadaan xilligii ay isla jilayeen filimka lagu magacaabo Tashan. Filimkaas ayaa lagu jilay dalka Giriigga.

Iyadoo sharraxeysa waxay tiri: “Wuxuu igu yiri ‘waxay ila tahay in aan isguursanno’. hadalkaas na wuxuu ii sheegay annagoo isla joogno Giriigga. Mar kalena hadalkaas wuxuu igu soo celiyay annagoo jileyna filimka lagu magacaabo Ladakh. Anigana waxaan markaas ku dhahay: ‘ma ogi, sababtoo ah kuma garanayo’. Marka runtii taas micnaheeda ma ahayn ‘maya’, balse waxay ahayd in aan doonayay in aan si wanaagsan isku sii baranno”.

Kareena Kapoor ayaa su’aal laga weydiiyay sida ay shaqadeeda usii wadatay ka dib markii la guursaday, carruurna yeelatay.

“Waxaan u maleynayaa in aan sameeyay go’aankii ugu wanaagsanaa nolosheyda oo dhan. Si wanaagsan ayaan u kala cadeeyay arrimaha ku saabsan nolosheyda, xirfadeed iyo midda shakhsi ahaaneed ee la xiriirta qoyska.

“Cudur ma aha in uu qofku jacayl galo, dhimashana ma ahan. Waan u sheegay Sayf, waxaana ku iri: ‘I dhageyso, aniga waligey ma joojinayo shaqadeyda’, isaguna wuxuu i yiri ‘taas waajib ayey kugu tahay’.”

Sayf Cali Khan ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay lagu weydiiyay inuu khatar ka dareemayo guulaha ay Kareena ka gaartay shaqada jilista aflaanta, iyo in filimkiisa uusan heer fiican ka gaarin box office-ka.

Isagoo su’aashaas ka jawaabaya wuxuu yiri: “Maya, maya, maya. Waxay ila tahay in aan aad uga fognahay arrin noocaas ah. Cid lagu eedi karo ma jirto taas. Waad ogtahay xaaladaha way isbeddelaan, mar kor ayaad jirtaa marna hoos. Mararka qaar qof wuxuu ka guulo badnaanayaan qof kale, mar kalena labada qofba waxay wadaagayaan wakhti aad u wanaagsan. Laakiin aniga weligey sidaas uma fakarin. Run ahaantii guulaha aan ka gaaray nolosheyda waxba kama galin box office, waa mid khuseysa qoyskeyga”.

Sayf Cali Khan waxaa lagu qeexay inuu yahay jilaaga 4-aad ee dhaqaalaha ugu badan ka sameeya jilista aflaanta Bollywood-ka, marka laga soo tago Aamir Khan, Shah Rukh Khan, iyo Salman Khan iyo Akshay Kumar.

Aabihiis waxaa lagu magacaabaa Mansoor Cali Khan Pataudi, wuxuuna ahaa kabtankii hore ee xulka qaranka ciyaaraha Cricket-ka ee dalka Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here