Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Fariin Diray

0
436

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Fariin Diray

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hambalyo ah u diray dawladda Jabuuti oo Maanta ay ku beegan tahay Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

Madaxweyne Muuse Biiixi ayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, isla markaana waxaa uu u rajeeyay inay ku gaaraan sannadkaan sannadkiisa kale horumar, bash-bash iyo barwaaqo.

“Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” Ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Dowladda Jabuuti ayaa Maanta u dabaal-dageysa Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here