Guud ahaan Deegaanada Soomaliland 11 Kun Oo Arday Oo U Fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga

0
363

Guud ahaan Deegaanada Soomaliland 11 Kun Oo Arday Oo U Fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyadda Sare ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday degaanada Maamulkaas sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada tacsliilnta sare ee Somaliland.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in Maanta Ardayda Dugsiyadda Sare ay u fariisan doonaan dhammaan maadooyinka, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay halkaas.

Tiro ku dhaw 11,000 kun oo arday ayaa saaka u fadhiistay imtixaanaadka dugsiyada sare ee Somaliland, kuwaasi oo dhameeystay waxbarashada heerka dugsiga sare, iyadoona Imtixaanka Maanta lasoo gaba-gabeyn doono.

Somaliland ayaa tilmaamtay in Laba boqol oo goobood uu si rasmiya imtixaanku uga furmay Gobolada Somaliland, waxaana qaar kamid ah Macalimiinta ay sheegeen inay wadaan dadaal kasta oo lagu xakameyn karo faafida Cudurka.

Deegaanada Maamulka Somaliland ayaa waxaa si weyn u sameeyay Cudurka COVID-19 oo dad farabadan oo kunool uu ku dhacay, isla markaana dadka qaarkood ay Cudurka u geeriyoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here