DEG DEG : Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Deegno Ka Tirsan Gobolka Sanaag Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
678

DEG DEG : Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Deegno Ka Tirsan Gobolka Sanaag Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saakay halkaas uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan lagu Magacaabo Cawsane ee Gobolka Sanaag, waxaana uu ka dambeeyay, kadib markii Maleeshiyo beeleedka ay isku qabsadeen dhul-daaqsimaad ku yaalla halkaas.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayaan dhawaqa hub Culus oo ay labada dhinac isdhaafsanayaan, isla markaana uu jiro Khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka socda, in kastoo aan dhab ah loo ogeyn.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Odayaal dhaqmeed iyo dad kale ay ku baxeen dagaalkaas kasoo cusboonaaday deegaanka Cawsane ee Goboolka Sanaag, iyagoona dadkaas doonaya inay joojiyaan Colaada.

Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin kala duwan, kuwaasi oo u dhexeeyay Maleeshiyo beeleed halkaas wada-dega, waxaana dagaalada ay ka dhasheen dhul-daaqsimeedyo iyo dilal aano qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here