Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Qadar

0
440

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Sida ay qortay warbaahinta dowladda safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ah mid shaqo, waxaana ku wehliya Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Qatar iyo Amiirka Qatar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu la xiriiro sidii dowladda Qatar ay dib u bilaabi laheyd taageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo tan iyo markii la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar hakad ku yimid.

Qatar ayaa si weyn u taageerta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo safaradii ugu badnaa ay Mas’uuliyiinta dowladda sanadihii u dambeeyay ku tageen dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here