SOOMAALIYA Oo Markale Shaacisay In Wax Kiis COVID-19 Ah Laga Helin Muqdisho

0
383

SOOMAALIYA Oo Markale Shaacisay In Wax Kiis COVID-19 Ah Laga Helin MUQDISHO

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 36 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 818.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 33 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 7, Puntland 21 iyo Galmudug 5 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,812.

Bukaannada cusub 30 waa rag. 3-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin wax bukaan ah oo u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here