Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay Dadkii Ugu Badnaa Ee Ka Bogsaday COVID-19

0
503

Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay Dadkii Ugu Badnaa Ee Ka Bogsaday COVID-19

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 39 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 724.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Banaadir 4 iyo Somaliland, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,719.

Bukaannada cusub ee 23-ka ayaa dhamaantood waxaa ay yihiin Rag, mana jiro wax Dumar oo Maanta la shaaciyay in laga helay Cudurka, isla markaana ma jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 88 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here