Dab Xooggan Oo Ka Kacay Hotel Ku Yaalla Magaalada Burco

0
397

Dab Xooggan Oo Ka Kacay Hotel Ku Yaalla Magaalada Burco

Wararka laga helayo magaalada Burcoa ayaa sheegaya in dab xoogga uu qabsaday Hoteel can ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Burco,waxaana ka dhashay bubur hantiyeed.

Dabkaan ayaa la sheegay in saqdii dhexe ee xalay uu ka kacay Hoteelka Warsan eek u yaalla martamaha magaalada Burco,waxaana u gurmaday ciidanka Dabdamiska iyo dadka deegaanka oo iyana ka qeyb qaadanayay daminta dabkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu guuleystay daminta Dabka iyada oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn waxa sababay in uu kaco,dhinaca kalana waxaa lagusoo waramayaa in qeyb weyn hoteelka uu ka saameeyay dabku lamina sheegin khasaaro nafeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here