Iska Horimaad Khasaaro Geystay Oo Dhexmaray Shiinaha Iyo Hindiya

0
379

Iska Horimaad Khasaaro Geystay Oo Dhexmaray Shiinaha Iyo Hindiya

Sarkaal iyo laba askari oo u dhashay dalka India ayaa lagu dilay “iska horimaad rabshad leh” oo ka dhacay xuduudda lagu loolamo ee dalkaas uu la leeyahay Shiinaha, waxaa sidaas sheegay ciidamada India.

India iyo Shiinaha ayaa toddobaadyadii tegay waxa ay ku lug lahaayeen is-mariwaa ka taagan Dooxda Galwan ee galbeedka Himilayas, ayada midba midka kale uu ku eedeynayey inuu dhulkiisa kusoo xadgudbay.

Ciidamada India ayaa sheegay in isku dhac uu dhacay Isniintii islamarkaana labada dhinac uu soo gaaray khasaare.

“Khasaaraha nafeed ee India ayaa waxaa ku jira sarkaal iyo laba askari. Saraakiil ka socota labada dhinac ayaa hadda qaboojinaya xiisadda,” waxaa sidaas lagu yiri bayaanka ciidamada India.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ugu baaqday India inaysan qaadin tallaabo hal dhinac ah, ama aysan abuuri dhibaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here