Madaxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

0
383

Madaxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa dalka Jabuuti uga qeyb galay Shirka Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda dalka Xasan Cali Kheyre oo kamid ahaa wafdiga Farmaajo ayaa kusoo haray Jabuuti, si uu korjoogto uga noqdo Shirarka Guddiyada Farsamo ee Soomaaliya iyo Somaliland oo halkaas ka socda.

Wadahadalladii shalay ka furmay qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyen inaan la siyaasadayn deeqaha horumarinta iyo maalgashiga caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here