Akhriso Magacyada Xubnaha rasmiga ah ee weftiga heer Federal ee ka qaybgalaya shirka wadahadalada Somalia iyo Somaliland Djabuuti 

0
402

Magacyada Wufuuda Soomaaliya iyo Somaliland uga qeyb galaya Shirka Jabuuti.

Telefishinka dowlada Jabuuti ayaa baahiyey magacyada Wufuuda dowlada Somalia iyo Somaliland ku metelaya shirka beri uga furmaya dalkaas.

Xubnaha la filayo in ay Soomaaliya iyo Somaliland kumatalaan kulanka Jabuuti ayaa kala ah

Dhinaca Soomaaliya:

1- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

2- Raysal-Wasaare Xasan Cali Khayre

3- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan

4- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.

Dhinaca Somaliland:

1- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

2-Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Max’uud Aadan

3-Wasiirrka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon

4- Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin

5- Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub.

Kulan heer sare ah ayaa la filayaa inuu maalinta Oo Axad ah uga furmo dalka Djibouti wufuud heer sare ah oo ka socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyay in maalinta uu shir guddoomin doono kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Somalia Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in kulankaas uu ku soo qeyb geli doono shirkaas Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, hase ahaatee ma faahfaahin ajendayaasha kulanka iyo rajada laga qabo natiijo ka soo baxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here