Askarigii dilay George Floyd oo lagu sii deynayo lacag badan oo Damaanad ah

0
422

Askarigii dilay George Floyd oo lagu sii deynayo lacag badan oo Damaanad ah

Askarigii sida arxan darada ahaa u dilay George Floyd ayaa lasoo taagay maxkamad si loo dhageesto dacwadaha dilka ah ee loo heesto, waxaana Maxkamada u ogolaatay askarigan in damaanad lagu sii daayo.

Maxkamada la saaray askariga gacan ku dhiiglaha Derek Chovin ayaa ogolaatay in damaanad lagu sii daayo, waxaana lacagta askarigan damaanad ahaan loogu sii deyn karo laga dhigay 1.25 milyan oo doolar.

Dacwad oogayaasha gacanta ku haya kiiska askarigan katirsanaa booliiska Magaalada Minneapolis ayaa dareemay culayska uu xukunkan leeyahay iyo xiisadda ka dhalatay dilkii loo gaystay George Floyd.

Dilka laga wada argagaxay uu geestay askarigan katirsanaa booliiska Cadaanka ee Mareykanka ayaa caro badan ka abuuray gudaha Mareykanka, waxaana dalkaasi ka dhacay banaan baxyadii ugu weynaa mudo sanado badan ah.

George Floyd Xuska aaskiisa ayaa lagu qaban doonaa kaniisad ku taal magaalada Houston ee dalka Mareykanka, waxaana xuskan la filayaa in ay kasoo qeyb galaan dad badan oo ka xumaaday dilka ninkaasi u geesteen booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here