Soomaalida takoorka dhexdeeda ka jira ma uga damqataa sida kan ka jira meelaha kale
Waxaa wali ka socda dalka Mareykanka dibadbaxyaddii ka dhashay dilkii nin madow ahaa oo lagu magacaabo George Floyd.
Mr Floyd ayaa geeriyooday ka dib markii askeri caddaan ah uu qoorta uga istaagay ka dib -na uu geeriyooday.
Geerida George Floy waxaa ka dhalatay caro horseeday dibadbaxyo rabshada wata.
In ka badan 75 magaalo ayey mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka George Floyd ka socdaan.
Waddooyinki maalma badan oo hawanayey xayiraadaha corornavirus awgii waxaa buux dhaafiyey mudaharaadyo tira badan oo garbaha isku haya.
Goobaha ay dibadbaxyada waawayn ka dhaceen waxaa ka mid ah gobolka Minneapolis ee ay soomaalida ku badan islamarkana ah goobtii uu ku dhintay George Floyd.
Soomaalida ayaa kaalin wayn ku leh dibadbaxyadan caddaaladda loogu raadinayo George Floy, waxaana la arkayay dhilinyaro haween soomaali ah oo watta boorar ay ku qoran yihiin erayo muujinaya sida ay uga xun yihiin dilkaasi lo gaystay ninkaasi madowga ah.
Balse waxaa jirta su’aalo ay dad badan oo Soomaali ah is waydiinayaan taasi oo ku aadan faquuqa iyo takoorka ay Soomaalida gudaheeda isku hayso.
Waxaa jira dhacdoyiin badan oo waxyeelo loogu gaystay dad Somaali ah kuwaasi oo la xiriiray Heeb-sooc iyo faquuq taasi oo aysan jirin cid Soomaali ah oo ka dhiidisay.
Tusaale haddii aan u soo qaadano dhacdadii ugu dambeysay ayaa ahayd tii sida arxan darada ah loo dilay Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo).
Dilkaasi waxaa uu dhacay bartimihi bishii September ee 2018, balse ma jirin cid dhigtay dibadbax ay ku muujinayso sida ay uga xuntahay.
Malin Khamiis ah ayey ahayd markii si foolxun loogu dilay xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho marxuum Axmed Dowlo oo aan wax shaqo ah ku lahayn sababta dilkiisa. Baangado, eebooyin, iyo ugu dambayn dab iyo baasiin ayey isugu dareen dad ilaa shan qof gaaraya oo ugu yaraan laba ka mid ah la sheegay inay dumar ahaayeen.
Sababta la sheegay in loo dilay ee ay cid kasta ka naxday ayaa lagu sheegay in wiil ay qaraabo yihiin oo ka soo jeeda beesha jareer weyne uu gabar ka guursaday beel ka mid ah kuwa ku xooggan Muqdisho.
Wararku waxay sheegeen in sidii dhaqanku ahaa ay gabadha adeerradeed bixiyeen, laakin abtiyaasheed oo iyagana ka soo jeeda beelaha ku xooggan Muqdisho ay ka biyo diideen, sidaa darteedna ay bar-tilmaameed ka dhigteen Axmed Dowlo oo hawlmaalmeedkiisa ku jiray.
Marxuumka ayaa ifka uga tegey laba xaas, 12 carrur ah, iyo aabihiis oo waayeel ah, shalay ayaana lagu aasay qabuuraha Barakaat ee magaalada Muqdisho.
Heybsooca Soomaalida ee aan laga hadlin
Dilka marxuum Axmed Dowlo wuxuu banaanka u soo saaray arrin aan aad looga hadlin oo ah in haybsooc iyo faquuq uu ka dhex jiro bulshada dhexdeeda, sidaasoo ay tahayna aan laga hadlin.
Alle ha u naxariistee Prof Cumar Eno oo ahaa aqoonyahan u ololeyn jiray sidii ay Soomaalida uga gudbi lahayd Heybsooca ayaa mar uu ka hadlayay waxaa uu sheegay in Soomaalida ay iyagu is faqooqaan, balse marka qurbaha la joogo oo ay takoor la kulmaan ay ka caroodaan.
“Waxaan ku shaqeysanaa farsamada gacanta, waxaadna nagu caynaysan inaan farsamada naqaano, ayuu yiri.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaalida ay faqooqaan dadka waxtarka u leh bulshada oo wax soo saara, balse ay xushmeeyaan dadka ajaaniibta ah ee soo saara isla waxa ay soo saaraan kuwa gudaha lagu takooro.
“Kabaha ayaa laguu tolay, boors ayaa lagu sameeyay, waxaad xusmeynaysaa Taliyaaniga sameeya kabaha iyo boorsooyiinka gacanta, laakiin kan Soomaaliga ah ee kula jooga ee kabaha iyo mindida iyo birahaba farsameeyo si jogta ah ayaad u takoortaa, ayuu yiri Pro Enow.
Maroodiga Takarta saaran ma arko
Soomaalida ayaa si wayn uga dhex muuqata dibadbaxyada ka dhacaya Mareykanka ee looga soo horjeedo dilkii George Floyd.
Balse su’aasha ay dad badan is waydiinayaan ayaa ah sababta ay Soomaalida uga dhii-dhin la’yihiin takoorka iyo dhibaatooyiinka la xiriira heysooca.
Guuleed Axmed Jaamac oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa rumaysan in Soomaalida aysan arkin dhibaatada dhexdooda ka jirta oo ay u jeedaan dhibaatada dadka kale loo geysto.
“Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa Maroodiga Takarta saaran ma arko tan midka kale ayuu arkaa”, ayuu yir Mr Guuleed.
“Soomaalida waa in marka kowaad aragtaa takoorka iyo heybsooca joogatada ah ee maalin laha ah ee bulshada Soomaaliyeed ee kale ee iyaga ka mid ah ay u geysanayaan inay arkaan weeye inay taas ka dhiidhiyaan weeye,” ayuu yiri.
Noocyada Heybsooca ee ay Soomaalida iska indha tirto
Soomaalida ayaa siyooba kala duwan isu heybsoocda, waxaana ka mid ah Heybsooca dhanka guurka.
Waxaa sidoo kale ka mid ah in dadka la heybsooco aan matalaad laga sin dhanka hogaanka siyaasada.
Sida uu sheegayo Guuleed Axmed Jaamac oo u ololeeya xuquuqda aadanaha waxaa sidoo kale heysooca loo geysto qeybo ka mid ah bulshada ka dhashay dhibaato dhanka dhaqaalaha ah, caafimaadka iyo waxbarshada.
“Heybsooca waxaa ka dhasha in dadka la heybsooco waxaa ka dhasha in noolashoodii dhaqaale,caafimaad iyo waxbarsho iyo adeegyada kala duwan si wayn u saamaynaysa”, ayuu yiri Mr Guuleed.
Uma jeedaan Heybsoocooda
Heybsooca ka dhex dhaca Soomaalida ayaa ahaa mid soo jireen islamarkana qarniyo badan soo socday.
Balse waxa ay su’aashu tahay sababta looga gudbi la’yahay qarniyo badan ka dib.
Guuleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in heybsooca Soomaalida gudahooda iyo dhibaatada ay isu geystaan aysan jirin cid ka dhiidisa.
“Soomaalida dhib wayn ayay isu geysanayaan oo qabaa’il lagu bartilmaameedsanayo oo haddii la xiro haddi la dilo haddii hantidooda la qaado mid waliba ay baneysanayaan hadana dadka kale ee Soomaaliyeed kama dhiidhiyaan oo isma garab taagaan dadka heybsooca iyo dhibta loo geysanayo”, ayuu intaa ku daray Mr Guuleed.
Mr Guuleed ayaa xusay in heybsooca uu si maalinla ah uga dhaco Somaalida dhexdeeda balse aysan jirin cid ka hadasha.
“Waxaad moodaa in ayba ka indha la’yihii takoorka iyo heybsooca ay gudahooda ka sameynayaan oo si maalinla ah u dhaca”, ayuu yiri Mr Guuleed.
Casharka laga baran karo Takoorka Soomaalida Qurba joogta loo geysto
Ka dib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxay Soomaali badan u hayaameen qurbaha.
Soomaalida qurbaha u hayaamay ayaa waxay qaarkood sheegaan in dalalka ay tageen dadkii u dhashay ay kala kulmaan faqooq iyo tagoor
Alla ha u naxariistee Prof Cumar Enow ayaa mar uu khudbad jeedinayay waxaa uu sheegay in ardaydii Soomaalida ee uu jaamacada uu macalinka ka yahay dhiganayay ay ka caban jireen midib-takoor ay kala kulmaan caddaanka.
Balse waxa uu sheegay in ardaydaasi uu ku yiri, “ku soo dhawaada adduunka xaqiiqada ah, aniga waxaad gudaha (Soomaaiya) igu soo siiseen tababar,” oo uu ula jeeday midibtakoorka lagu hayo beelaha la heybsooco.
Guuleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in Soomaalida qurbajoogta ay tahay inay cashar ka bartaan heysooca ay la kulmaan marka ay qurbaha joogaan.
“Kuwa qurbaha tagay ee arkay xanuunka ay leedahay heybsooca oo marka ay dunada kale tageen lagu heysoocay waa in ay garwaaqsadaan iyaguna waa in ay joojiyaan oo ay ka wacyigaliyaan umadda,” ayuu yiri Mr Guuleed.
Xigasho bbcsomali