CAJIIB : Diyaarado dadka suxuurta u kiciya

0
584

CAJIIB : Diyaarado dadka suxuurta u kiciya

Ciddamadda cirka ee Indoneesiya ayaa ku dhawaaqay inay ka qayb qaadan doonaan dhaqanka soo jireenka ahaa ee dalkaasi ee dadka suxuurta loo kicinayao bisha barakeysan ee Ramadan.

Ciddamada cirka waxay bartooda twitterka ku sheegen in tebabarka diyaaradaha dagaalka lagu sameyn doono magaaloyiin dhowr ah oo ku yaala jasiirada Java waxayna ka magacaaben Surabaya oo ku taala Java-da bari, Surakarta, Klaten iyo Sragen oo iyaguna ku yaala bartamaha Java iyo sidoo kale Yogyakarta.

“awoodda Alle, waxaanu dhaqan-galin doonna dhaqanka ah in aan dadka u toosinno suxuurta annaga oo adeegsanayna diyaaradaha dagaalka,” ayaa ay tweet ku sheegeen.

Madaxweynaha Hindoneysiya Joko Widodo iyo qaar kamid saraakisha Ciddamadda cirkaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMadaxweynaha Indoneysiya Joko Widodo iyo qaar kamid saraakisha Ciddamadda cirka

Afhayeenka ciddamada cirka Col. Sus M. Yuris, ayaa sheegay in howlgalkan uu san ahayn oo keli ah in dhaqankii la ilaaliyo balse in la xaqiijiyo in ciddamada cirka aysan sameynn wax tababar ah bisha Ramadan.

Aroorti ayaa ah wakhtiga ugu wanaagsan ee duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka ay duulimaad sameyn karaan, sida ay qabaan khubarada caafimaadka oo walaac ka muujiyay in duulieyaashani ay galaan tababar wixii ka dambeeya tobanka aroornimo, xilligaasi oo sonkorta dhiigga dadka sooman ay billowdo in ay aad hoos ugu dhacdo.

“Duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka uma wanaagsana in ay diyaarad wadaan, marka uu hoos u dhaco heerka sonkorta dhiigooga ,” ayuu yiri Sus oo uu soo xigtay wargeyska kompas.com.

Xilliyada suxuurta ayaa diyaarada dagaal oo jawi hoose ku duulaya waxa ay qabsan doonaan hawada dalkaasi waxaana duuliyeyaasha laga doonayaa in ay adeegsadaan qalab ku rakiban matoorka diyaaradda oo bixinaya guux aad u xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here