Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday deegaanka Bariire iyo ciidanka Danab oo iska difaacay

0
639

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday deegaanka Bariire iyo ciidanka Danab oo iska difaacay

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka xoogga dalka.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii dagaalamayaal ka tirsna Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaankaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay xalay saqdii dhexe isu adeegsadeen madaafiic culus.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii ay ku soo qaadeen deegaanka Bariire oo ay doonayeen in Al-Shabaab dib ula wareegaan.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay, waana markii labaad Al-Shabaab soo weerareen Bariire, tan iyo markii todobaadkii hore ay la wareegeen Ciidamada xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here