Mid ka mid ah aas-aasayaashii Maamulka Galmudug oo ku geeriyooday Nairobi

0
538

Mid ka mid ah aas-aasayaashii Maamulka Galmudug oo ku geeriyooday Nairobi

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Galmudug iyo aas-aasihii Maamulkaas Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay dalka Kenya, waxaana uu xalay saacada marka ay aheyd 4:30 uu geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Waxaa uu door weyn ku lahaa dhismihii Maamulka Galmudug oo sanadkii 2007-dii ka hana-qaaday Koofurta Gaalkacyo.

Amb. Maxamed Warsame Kiimiko ayaa soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobey, xilligii dowladdii Milateriga, sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiir dalalka Faransiiska iyo Mareykanka.

Waxaa uu La Taliye sare u noqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda Federaalka, waxaa xubnaha ka tacsiyadeeyay geerida Amb. Kiimiko ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here