Maamulka Soomaalida Itoobiya oo ka baxay heshiis uu hore u galay Maamulkii hore

0
693

Maamulka Soomaalida Itoobiya oo ka baxay heshiis uu hore u galay Maamulkii hore

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa shalay buriyay ama laalay heshiis maamulkii ka horreeyay ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu la galay maamulka gobolka Canfarta ee dalkaasi.

Heshiiskaasi oo xilligaasi ay taageeraysay dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa deegaanada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu hoos geeyay maamulka Canfarta balse tan iyo xilligaasi waxaa dhacayay rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Waxaase xaaladda uga sii daray rabshado dhawaan halkaasi ka dhacay oo lagu laayay ilaa 11 qof oo Soomaali ah laguna dhaawacay ilaa afar kale. Rabshadahaasi ayaa sababay in golaha wasiirrada maamulka Soomaalida uu heshiiskaasi buriyo isla markaana uu ku dhawaaqo in deegaanadaasi lagu soo celinayo gacanta maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida.

Ururka ONLF oo bilo ka hor heshiiska la gashay dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa isaguna sharcidarro ku tilmaamay in markii horeba deegaanadaasi la raaciyo dhanka Canfarta.

Af-hayeenkooda ONLF Cabdi Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani) oo u waramay BBC-da waxa uu sheegay in ay jirto halis weyn oo ah isku dhacyo dheeraad ah oo dhex mara labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Canfarta.

“Waxan rabnaa shacabka Soomaalidu in uu maqlo, maamulka Soomaalida in uu maqlo, ismaamulka Canfarta iyo dowladda Federaalka iyo ciidamada Itoobiya ee iyaguna doorka ku leh, caalamkuna inuu ogaado in ay hadda khatar isku dhac labada qpwmiyadood ah qarka u saaran tahay oo samirku uu xadkiisa dhaafay. Laba in aanan aqoonsanayn oo aad si cad u caddeynayno haddii aanu nahay ururka ONLF, go’aanka lagu wareejiyay saddexda degmo ee qowmiyadda Soomaalida ay deggan tahay,” ayuu yiri afhayeenka ONLF.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaan weli ka hadlin go’aanka maamulka Soomaalida balse waxaa arrintaasi aad u soo dhaweeyay waxgaradka iyo shacabka deggan saddexdaasi degmo.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo dagaallo dad badani ku dhinteen ay galbeedka Itoobiya ku dhex mareen dabley ka tirsan qowmiyadaha Amxaarada iyo Benishangul Gumuz, waxaana saraakiisha dowladda Itoobiya ay uga digeen dadka in ay weerarro kale oo aargoosi ah qaadaan.

Weerarkii ugu dambeeyey ee lagu laayey dad ka tirsan qowmiyadda Benishangul Gumuz ayuu sarkaal tirsan dowladda waxa uu ku tilmaamay xasuuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here