Wafdi horudhac u ah Madaxda dowladda Federaalka oo gaaray Garowe iyo diyaar garowga shirka…

0
474

Wafdi horudhac u ah Madaxda dowladda Federaalka oo gaaray Garowe iyo diyaar garowga shirka…

Wafdi horudhac u ah Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garowe, halkaasoo lagu wado in maalinta Sabtida uu ka furmo Shir Wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sida wararku sheegayaan wafuuda gaaray Garowe ayaa waxay isugu jireen howlwadeenada iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo u gogol xaaraya socdaalka Madaxda ku tagayaan Garowe.

Shirka Wadatashiga ee ka furmaya Garowe ayaa u dhacay maalinta Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 4 May, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada ay Garowe tagi doonaan maanta illaa berri, si shirka Sabtida u furmo.

Diyaar garow ku aadan shirka Garowe ayaa socda, waxaana si aad la isugu diyaarinayaa soo dhoweynta Madaxda ku fool leh magaaladaas.

Golaha Wasiirada Puntland oo shir degdeg ah isugu yimid ayaa ka hadlay qabsoomida shirka iyo u diyaar garowgiisa, iyadoo la sameeyay Guddiyo qaban qaabinaya shirka iyo soo dhoweynta Madaxda.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadda dalka, wada shaqeynta labada dhinac ee hakatay, dhameystirka Dastuurka, Amniga iyo hannaanka doorashada dalka ka dhaceysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here