In ka badan 10 Qof Oo Lagu Dilay Iska Horimaad Ka Dhacay Yemen

0
628

In ka badan 10 Qof Oo Lagu Dilay Iska Horimaad Ka Dhacay Yemen

Milliteriga Dowladda Yemen ee ay QM aqoonsan tahay iyo Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto ayaa la sheegay inuu dagaal ku dhex maray Gobalka TACIS ee K/galbeed ee dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda dalkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee xINHUA ayaa sheegay inuu dagaalkaasi shalay ka dhacay Gobalka TACIS, isla markaana lag udilay 10 qof, laguna dhaawacay Tobaneeyo kale.

Labada dhinac waxaa la sheegay inay hub culus isku weydaarsadeen Caasimadda Gobalka TACIS oo iyadana wadata isla magaca TACIS.

Qoysas badan ayaa lagu khasbay inay ka cararaan guryahooda ku yaalla meel ku dhow goobihii lagu dagaalamay.

Bartamaha magaalladda TACIS waxaa haatan gacanta k uhaya Ciiddanka Dowladda, halka duleedka magaalladaasi iyo deegaanadda ku hareeraysan ay weli ku xooggan yihiin Maleeshiyadda xuutiyiinta oo iyagu haysta inta badan Goballadda Waqooyiga dalkaasi, oo ay ku jirto caasimadda dalkaasi ee Sanca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here