Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Asmara

0
782

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Asmara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta waxa ay gaareen Magalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga la socdo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda,waxaana Garoonka diyaaradaha Eritrea ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas Isaias Afwerki

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki,hayeeshee wax faah faahin ah kama bixin Villa Soomaaliya kulankaas.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qeyb galay Shir Madaxeedkii looga hadlayay  Xaaladda dalalka Suudaan iyo Liibiya,waxaana Safarka uu Madaxweynaha ku tegay Magaalada Asmara uu ahaa mid aan horey loo shaacin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here